Muuqaal: PEC oo ganaax culus kusoo rogey Xisbi dawladda Puntland ee KAAH
19 July 2024 (Puntlandes.com) Gudiga doorashooyinka Puntland, PEC, ayaa ganaax culus kusoo rogey Xisbi siyaasaddeedka dawladda ee KAAH.
PEC ayaa ku eedaysay inuu KAAH ku xadgudbay Dastuurka Dawladda Puntland, Xeerka Guddiga Doorashooyinka, Habraaca Ololaha Doorashada iyo jadwalka Guddigu udajiyay ololaha Xisbiyada.