Muuqaal: Sheekh Shariif oo kahadlay maamulxumada MD Xasan Sheekh, Hubka, dagaal beeleedyada, Qaadka, Musuqa, Ciidanka & arimo kale

27 July 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa eedeyn aad u culus u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu Xasan Sheekh ku fashilmay xilkii ummaddu u dhiibatay, wuxuuna si gooni ah u tilmaamay inuu qax ka qaban waayey qaarkoodna qayb ka yahay dagaal beeleedyada dalka ka socda, in Musuqmaasuqu marayo heerkii ugu xumaa abid, in Ciidankii burburin lagu wado, in madaxweynuhu ku lug yeeyahay ka ganacsiga Daroogada taas oo dalka dhib wayn ku haysa.

Sidoo kale wuxuu Sheekh Shariif ku eedeeyey inuu hortaagan yahay inay doorasho qabsadaan dawlad goboleedyada dalka oo intooda badan muddo xileedkoodu dhamaaday.

Sheekh Shariif ayaa yiri “Waxaa nasoo gaartay in madaxweynuhu uu ku yiri Madaxda maamul goboleedyada ee xiligu ka dhammaaday iska jooga waxba doorasho ha gelinina, dowlad ka shaqeynaysa danaheeda gaarka ah intee na gaynaysaa?”

Sheekh Shariif waxa kale oo uu ka hadlay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in maanta dalka uu joogo meel halis ah, isla markaaa dib loo noqday, wuxuuna yiri “Amniga waxaan ognahay maanta Shabaab meesha ay joogeen waa ay kasii xoog badan yihiin, ummadda Soomaaliyeed kalsoonidii dhexdeeda taallay waa dhaawacantay”

About The Author