Shirkadda Favori LLC ee maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho oo kahortimid heshiis ay DFS gashay

28 Aug 2024 (Puntlandes.com) Shirkadda Favori LLC ee maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho, lagana leeyahay dalka Turkiga ayaa warqadan oo ay udirtay dawladda Soomaaliya, ogaysiisna siisay Safaarada Turkiga, ayay ku sheegtay in aysan aqbaleyn go’aanka shirkadda NAV-PASS oo laga leeyahay Imaaraatka Carabta, lagu amray in ay qaado lacagta Hawada Soomaaliya.

Nuqulada heshiiska cusub oo ay heshay ayaa dhigaya qodobo ka dhan ah madax banaanida Soomaaliya.

Favori LLC ayaa sheegtay in heshiiskii loo saxiixay 2013-kii uu kasoo horjeedo Heshiiska iminkaay DFS la gashay shirkadan Imaaraatka laga leeyahay.

Is-heynta shirkadaha Shisheeye ee Favori LLC & NAV-PASS, ayaa saameyn doonta Soomaaliya oo galaysa heshiisyo iska hor imaanaya.

About The Author