Sawirro: Shirka Dhismaha wado laami ah oo isku xiraya Maxjarka & magaalada Qardho

28 Sept 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Mudane Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux, Guddoonka Iyo Golaha Deeganka Degmadda Qardho Ayaa Warbixin Ku Saabsan Qaabka Iyo Dhismaha Jidka Isku Xiraya Magaalada Iyo Maxjarka Degmada Ka Dhagaystay Hay’adda Save The Children, jidkan oo ah mid muhiim u ah socodsiinta hawlaha shaqo ee maxjarka iyo Sayladda ayaa lagu dhisayaa iskutashi bulsho ay qayb ka yihiin dadka deegaanka, Dowladda iyo Hay’adda Save the Children.

Sidoo kale Wasiirka iyo Madaxda kale ayaa warbixin ka dhagaystay guddi loo xilsaaray in ay cilmi baadhis ka soo sameeyaan habsami u socodka shaqada Maxjarka iyo Sayladda, caqabadaha iyo horumarinta uu u baahan yahay.

Dhismaha Jidkan ayaa ku hirgalaya isku tashi bulsho taas oo ay qayb ka yihiin Guddiga Horumarinta Degmada Qardho, Hay’adda Save the Children iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland.

About The Author