Sawirro: Wasiir Cumar oo Dhagax dhigay dhismaha wado Laami ah oo isku xiri doona Maxjarka & magaalada Qardho

28 Sept 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Mudane Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux oo ay weheliyaan Guddoonka Degmada Qardho, Hay’adda Save The Children iyo Mas’uuliyiinta Wasaaradda ee Gobolka Karkaar ayaa Dhagax dhigay Dhismaha wado laami ah oo isku xiraysa maxjarka iyo magaalada inteeda kale.

Dhismaha wadadaan ayaa waxaa iska kaashanaya dhaqaalaha ku baxaya Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland, Guddiga Hormarinta Degmadda iyo Hay’adda Save The Children.

Qorshaha wadaan oo ahaa markii hore in Jay la Saaro ayaa Degmadda Qardho iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL go’aansadeen in Lacagta ka dhiman ay ku daraan si loo helo wado tayo leh oo cimri dheer.

Marka uu dhammaado dhismaha Wafdadaan ayaa waxaa lasoo wareejin doonaa Sayladda magaalada ee hadda shaqaysa. Maxjarka cusub oo ah mid ay u dhammaystiran yihiin dhammaad adeegyada caafimaadka xoolaha waxaa uu ka jawaabi doona baahiyaha caafimaadka xoolaha ee guud ahaan Gobolka Karkaar.

About The Author