Madaxweynaha DFS oo ku dhawaaqay in ay Itoobiya qabsatay qeyb kamid ah Soomaaliya, hubaysayna….

29 Sept 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in ay Itoobiya qabsatay qeyb kamid ah Soomaaliya, iyagoo la wareegtay garoomada diyaaradaha iyo wadooyinkii gobalka Gedo, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyey Telefashinka Al Jazeera.

Madaxweyne Xassan Sh ayaa sheegay in ay sidaas oo kale ay Itoobiya ilaa markii la saxiixay Is afgaradkii ay la galeen dhinaca Somaliland, ay Koonfurta dalka ka qoreen oo ay hubeeyeen in ka badan 1,000 maleeshiyo ah, oo laga qoray Qabaa’ilo kale duwan, sidaas oo kalena loo qeybiyey hub ay leedahay dawladda Itoobiya.

“Itoobiya kaliya ma sheeganaysaa waxa ku qoran MOU-ga, waxay sannado badan faragalin ku heysay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, tan iyo markii ay Itoobiya saxiixday MOU-ga waxay hubeysay, in ka badan 1,000 maleeshiyo oo iskugu jira qabaa’ilo iyo kooxo, meel kasta Koonfurta ah maanta waxaa laga helayaa oo yaala hub ay bixisay Itoobiya, waxayna qabsatay Itoobiya si gaar ah gobalka Gedo garoomadii diyaaradaha ee ku yaalay, waxayna ku dooday in ay difaacayso amniga Soomaaliya, ma garanayo sharciyada iyo qaynuunka caalamiga ah ee ay Itoobiya cuskanayso” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh.

Waxa uu dhinaca kale sheegay iney diyaar u yihiin iney iska difaacaan duulaan kasta oo uga yimaada dhinaca Itoobiya, isagoo ku faanay in Soomaali ay ku mideysan tabay qadiyadooda badda ee lagu soo xadgudbay.

About The Author