Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland oo garoonka diyaaradaha Gen. Mohamed Abshir ku soo dhaweeyay wafti dhakhaatiir ah ka socda Hay’ada Global Health Alliance

30 Sept 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux, oo ay weheliyaan Wasiirka Caafimaadka DPL Mudane Siciid Jamac Qorsheel iyo Xildhibaano ka mid Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa garoonka diyaaradaha Gen. Mohamed Abshir Garowe ku soo dhaweeyay wafti dhakhaatiir ah ka socda Hay’ada Global Health Alliance oo fadhigeedu yahay gobolka Minnesota ee USA.

Dhakhaatiirta oo ka socda hay’adda Global Health Alliance ayaa tababar heerkiisu sareeyo u qaban doona dhakhaatiir laguna tababarayo sidii loo xanaanayn lahaa loona daryeeli lahaa ilmaha waqtiga uu dhasho dhakhaatiirtan ayaa hore u yimi puntland May 2024 kolkaas oo ay siyeen tababaro heerkoodu sareeyo dhakhaatiirta Puntland.

About The Author