Muuqaal: Garaad Jamaac Garaad Cali “waxa jira kooxo u shaqaynaya Somaliland oo kala qaybinaya Beesha Harti kadibna dpoonaya inay khilaaf ka abuuraan reer Khaatumo si ay Somaliland u timaado Laascaanood”

01 Okt 2024 (Puntlandes.com) Garaad Jamaac Garaad Cali oo ah Isinka guud ee SSC-Khaatumo ayaa isagoo saxaafadda kula hadlay magaalada Laascaanood waxa si xoogan u dhaliilay siyaasiyiin reer Khaatumo ah oo uu ku sheegay inay u shaqaynayaan maamulka Somaliland.

garaadka ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin ku shaqaynaya oo fuliya qorshe uu ku doonaya maamuölka Somaliland inuu dib ugu soo laabto Laascaanood kaas oo ah in marka hore la kala qaybiyo Beesha Harti kadibna la kala qaybiyo shacabka SSC-Khaatumo.

Garaad Jamaac Garaad Cali ayaa yiri “waxa jira kooxo u shaqaynaya Somaliland oo kala qaybinaya Beesha Harti kadibna dpoonaya inay khilaaf ka abuuraan reer Khaatumo si ay Somaliland u timaado Laascaanood”

“Tagtadii ina soo martay, waxaa ku tiran oo aan cidina ka tiri karin, Ninkii Dhegtiisa ilaashaday & Ninkii dhabankiisa Iibsaday, kii aan ahaana waa u cadahay Reer Khaatumo”

About The Author