Suldaan Mustafe Awseed oo ku taliyey in SSC-Khaatumo laxaajoodo dawladda Puntland

02 Okt 2024 (Puntlandes.com) Suldaan Mustafe Awseed oo soo saaray qoraal uu uga hadlay sida ay maamul dhammaystiran ku noqon karto SSC-Khaatumo ayaa ku taliyey in lala xaajoodo dawladda Puntland.

Hoos ka akhriso qoraalka Suldaanka:

Inuu noqdo maamul haysta sharciyad(legitimacy) xaga federaalka lana mid noqdo maamulada kale waxay u baahan tahay far iyo suulin ee uma baahna colaad iyo fudayd. Ogow ugu yaraan gobol iyo badh ayaa loo baahan yahay.

– ninkii yiraahda Khaatumo ayaan u rabaa aqoonsi dowlada federaalkana waan la colaadtamayaa gudcur buu gudayaa.

– sidaasoo kale ninkii yiraahda aqoonsi ayaan Khaatumo u rabaa PL waxba weydiin maayo lana fadhiisan maayo qar cidla ah buu jafayaa.

Ogoow xidhiidh-xumada ka dhaxaysa PL iyo federalka beri wuu is bedelayaa hadii Deni iyo Xasan sheekh is fahmaan,

sidoo kale hadii Midkood booska baneeyo waxaad arki doontaa iyagoo heshiis ah.

– Warsangeli cidda uu wax la yeelanayo iyagaa go’aankeeda iska leh, in lagu ixtiraamo, lala fadhiisto la suuba salaaxona waa dariiq sax ah, laakin hal ha iloobin maamulka PL ayay guud ahaan ka mid yihiin hadii aan maamulkaas laftiisa lagu qancin ma sahlan tahay inay kusoo raacaan? Waa Maya sidaas darteed raga aaminsan Warsangeli baan toos ula heshiinaynaa PL waxba ka weydiinmayno aniga ra’yigayga gaaban arinkaas waa riyo.

Shalay bay ahayd inta dhalinyarada dhagaxaan loo soo dhiibay la yiri isamada haku dhawaaqeen in baarlamanka PL laga qayb gelin oo ay ku dhawaaqeen, weliba xubnihii gudiga doorashadana ugu baaqeen inay iska casilaan,

Maxaase dhacay? hadal uun baa naga tageye ee 17xildhibaan waa lagu daray markaas baa weliba lagu casuumay xafladii maamulkii ay 17kaasi doorteen oo ay ka qayb galeen.

Marka la iskuma howlo wax aad og tahay inaanad xaqiijin karin.

Intaas waa fekerkayga gaaban ee ku saabsan arimaha dhalinyaradu ka doodaysey ilaa shalay waana mid ii gaara ee cidna kuma metelo aan naftayda ahayn.

About The Author