Madaxweyne xasan Sheekh oo madaxda maamul goboleedyada usoo jeediyey sanad kuddo kororsi ah

03 Okt 2024 (Puntlandes.com) Shirka Wadatashiga Qaran oo maalintii labaad galay ayaa maanta sida wararku sheegayaan Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu soo jeediyay mowqifkiisa ku aadan sida loo wajahayo marxaladaha soo socdo, isagoo soo bandhigay qorshihiisa ku aadan doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha ayaa dowlad goboleedyada 4ta ah ee Galmudug, Hirshabelle, KG iyo Jubaland waxa uu usoo bandhigay qaabka loo hirgelinayo doorashooyinka qof iyo codka, lagu hirgeyo muddo 1 sano ah, taas oo ah inuu madaxda muddo xileedkoodu dhamaaday kal hore uu siinayo 1 muddo kororsi ah.

Madaxweynaha ayaa sanadka u kala qaaday sidaan afar bilood gudahood lagu ansixiyo sharciyada doorashooyinka iyo sharciga Xisbiyada, afar Bilood oo kalena waxaa lagu qabanayaa diiwaan gelinta dadweynaha, halka afarta bil ee u dambeysa lagu qabto doorashada qof iyo cod ee Golaha deegaannada.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa marka laga reebo Hirshabeelle muddo xileedkoodu dhamaaday kal hore iyadoo madaxweynuhu horey ugu sameeyey muddo kororsi.

Siyaasiyiinta ayaa uga diyagay madaxweynaha inuu u sameeyo maamul Goboleedyada muddo kororsi sharci daro ah oo horseedaya qalalaase.

About The Author