Madaxweynaha Jubaland oo diiday go’aankii Xasan Sheekh ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

04 Okt 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa diiday go’aan ay isku raaceen madaxda dowladda Federalka iyo Maamulgoboleedyada Galmudug HirShabelle iyo KG ee Muqdisho ku shirsanaa maalmihii ugu dambeeyey.

Shirka Madasha Golaha Wadatashiga Qaran oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta oo Jimco ahayd diiradda lagu saaray ka hadalka arimaha doorashooyinka heer federal iyo heer dowlad-goboleed.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur-Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa madaxweynaha dowladda Federalka ku raacay in la aado doorasho qof iyo cod ah halka uu madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu diiday go’aankaas taa badalkeedana uu ku caddeyey inuu doonayo inuu qabsado doorashada Jubaland.

Wararku waxay intaas ku darayaan in caawa kulan gaar ah ay wada galeen Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Maxaxweyne Axmed Madoobe, kaas oo la xaqiijiyey inuu ku adkeystay in deegaanada Jubaland uu ka qabanayo doorashadii Dadbaneyd.

About The Author