Madaxweynaha Masar oo ku wajahan Asmara ee dalka Eritrea & Xasan Sheekh oo ku sugan

10 Okt 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha dalka Masar Cabdelfatah Al Sisi ayaa maanta ku wajahan magaalada Asmara ee dalka Eritrea, kaddib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki.

Sida uu shaaciyay Afhayeenka Madaxweynaha Masar, booqashada Al Sisi uu dhiggiisa Eritrea kala hadli doono xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan xaaladaha gobolka iyo dadaalada lagu xoojinayo xasilloonida iyo amniga Geeska Afrila iyo Badda Cas.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa shalay gaaray magaalada Asmara, waxaana la fillayaa inuu Asmara ka dhaco shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan Madaxda Eritrea, Masar iyo Soomaaliya oo lagu sameyn doono Isbaheysi Iskaashi saddexdda dal ka dhaxeyn doona.

About The Author