Muuqaal: Guddida & madaxda dhaqanka ee beesha Habarjeclo oo shir uga socday Ceelafweyn ayey go’aamiyeen in la doorto musharrax Cabdiraxmaan Cirro

10 Okt 2024 (Puntlandes.com) Guddida iyo madaxda dhaqanka ee beesha Habarjeclo oo shir uga socday Ceel-afweyn ayaa go’aamiyay in la dhiso musharrax Cabdiraxmaan Cirro, doorashada madaxtooyada.

Waxa kale oo ay go’aamiyeen in Xisbi laga dhigo urur siyaasadeedka KAAH ee uu hoggaamiyo Maxamuud Xaashi Cabdi.

Qodobada ugu waynaa ee Caawa Habarjeclo go’aan beeleedka ku gaadheen.

1. In iyadoo la eegaayo Danta Somaliland ee maanta iyo uruurinteeda Beesha Habarjeclo Madaxweynaha ay dhisayso yahay Dr. Cabdiraxmaan Cirro.

2.Beesha Habarjeclo waxay go’aan beeleed ku gaadhay in urur siyaasadeedka KAAH lagu dhiso, lala shaqeeyo lana soo saaro si Xisbi Qaran uu u noqdo.

3. ⁠Colaada ardaayada Sacad Yoonis iyo Bahay in aan loo kala tagin lana dhamaystiro heshiis rasmiya oo aan wax danbe ka iman Insha Allaah.

About The Author