Diyaaradda Kenya Airways oo ku dhawaaqday in ay hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Muqdisho

10 Okt 2024 (Puntlandes.com) Diyaaradda Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay caasimadda Muqdisho.

Maamulaha Diyaaradda ayaa sheegey in ay go’aanka qaateen ka dib markii ay si taxadar leh u falanqeeyeen jawiga ganacsi ee hadda jira.

“Caqabado dhanka shaqada ah awgood, Maamulka Kenya Airways waxay gaareen go’aanka lagu joojinayo duullimaadyada rakaabka ee Muqdisho laga bilaabo 14-ka Oktoobar 2024,” Kilavuka ayaa ku yiri warqad ku socota Wasaaradda Gaadiidka DFS.

Lix bilood oo keli ah ayey Kenya Airways ka shaqaynaysaa dalka, tan & markii ay dib u bilowday duulimaadyada, hase yeeshee diyaaradda qaadka maalinna ma istaagto.

About The Author