Shir sadex geesooda oo Madaxda Soomaaliya, Eritrea & Masar ayaa ka furmay Asmara

10 Okt 2024 (Puntlandes.com) Shir sadex geesood ah ay madaxda dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Masar leeyihiin ayaa ka furmay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Waxaa shirka looga hadlayaa arrimaha Amniga, Xasilloonida, Iskaashiga dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxaana la filayaa in warmurtiyeed laga soo saaro.

Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalkan ayaa shir gaar ah u socdaa oo lagu lafa-gurayo warmurtiyeedka shirka, waxayna madaxdu saxiixi doonaan heshiiska isbaheysiga oo sadex geesoodka Masar, Soomaaliya iyo Eritrea.

About The Author