Madaxweynaha Jubaland oo ku dhawaaqay in aysan samayn doonin mudo kororsi doorashadana ay waqtigeeda kuqabanayaan….

10 Okt 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed )oo la hadlayay xubnaha golihiisa wasiiradda maanta ayaa caddeeyey in aysan Jubaland samayn doonin mudo kororsi doorashadana ay waqtigeeda ku qabanayaan, iyagoo u madaxbanaan qabashadeeda si lamid ah sidii 2019kii.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkii u dambeeyey ee Muqdisho ay Jubaland uga baxday sabab la xariirta in la keenay mudo kororsi uu kasii dhalanayo mudo kororsiyo kale, oo aan Soomaaliya wax dan ah ugu jirin.

Wuxuuna sheegay in doorasho toos ah aysan suuragal ka ahayn xiligan in laga qabto Soomaaliya maadaama aysan diyaarsaneyn waxyaabihii ka horeeyey doorashadaas oo ay kamid yihiin qodobadaan.

1-Dibu xoreynta dalka oo Argagixisada laga saarayo.

2-Dibu heshiinta, dadka Soomaaliyeed oo wali kala tagsan

3-Doorashada & Madasha oo aan loo dhameyn, heshiisna lagu aheyn

4-Mudo kororsigan halka sano ah oo aan lagu gaari karin doorasho dadweyne.

About The Author