Sawirro: Madaxweynaha Jubaland oo qaabilay sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

13 Okt 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hogaaminayo.

Kulanka oo ah mid uu albaabada u xiranaayeen ayaa lagaga hadlay xaalada guud ee siyaasada dalka, bixitaanka Ciidamada ATMIS iyo qodobo kale oo ay ka mid yihiin arrimihii sababay inuu wax natiijo ah ka soo bixi waayay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay inuu wali socdo, hase ahaatee uu todobaadki hore uu Madaxweynaha Jubbaland uu isaga soo tagay Muqdisho, kaddib markii la isku mari waayay qodobo dhowr ah oo ku xirnaa horay u socodka shirka .

James Swan Ayaa lagu xusuustaa kaalintiisii doorashadii 2022 iyo marxaladii kala guurka aheyd ee caqabadihii ka taagnaa waqtigii uu ahaa Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waxaana hadda muuqda caqabadihii horay u taagnaa oo kale, maadaama GWQ ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.

About The Author