Guddoomiyaha Aqalka Sare oo katanasulay in RW kuxigeen Saalax uu lumiyey kursigiisa Aqalka Sare

14 Okt 2024 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda FS Senator Saalax Jaamac ayaa si wadajir ah heshiis uga gaaray khilaafkii shaqsiga ee u dhaxeeyay, kaasoo sabab u ahaa kursiga UH50 ee uu Guddoomiya Cabdi Xaashi sheegay inuu bannaan yahay, maadaama uu Senator Saalax Jaamac aanu soo xaadirin afar kalfadhi, sidaasna ku waayay xubinnimada Aqalka Sare.

Dadaalo siyaasadeed oo labada dhinac loogu kala dabqaadayay, laguna xalinayay khilaafkaas ayaa lagu guuleystay in Cabdi Xaashi ka tanaasulo go’aankiisa maamul ee kursigaas ka soo saaray, sidaas darteed uu senator Saalax Jaamac uu sii wadanayo xilkiisa Senatarnimo.

War saxaafadeedyo ay labada mas’uul soo saareen ayay ku shaaciyeen heshiiska ay gaareen:

About The Author