Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo mar kale loo ballamay ka dib markii ay ku soo laaban weydey Jubbaland, iyada oo ay hore uga maqnayd Puntland.

16 Okt 2024 (Puntlandes.com) Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka furmay Muqdisho 2dii okt 2024 ayaa iyadoon laga soo saarain wax horumar ah oo la xiriira doorashada dalka waxa laga soo saaray Xaashi “Fadhi kaga kac ah” oo ah mar kale ayaan isku soo laabanaynaa.

Madaxweynaha Jublanad Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa Kismayo ku laabtay 7dii Okt isagoo isaga baxay shirka, horayna waxaa uga maqnaa madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdulaahi Deni.

Shirka ayaa madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay inuusan istaagin markii Axmed Madoobe ka huöleelay isagoo sheegay inuu u socdo Galmudug, Hirshabelle, KG iyo DFS oo kaliya.

About The Author