Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo daahfuray shirka horumarinta Beeraha Puntland

16 Okt 2024 (Puntlandes.com) Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa daahfuray shirka horumarinta Beeraha oo socon doona muddo laba maalmood ah iyada oo lagu soo aadiyay Xuska Maalinta cuntada Adduunka.

Madasha ayaa lagu soo bandhigay cuntooyinka noocyadooda kala duwan ee ka baxa Beeraha gobolada Mudug, Nugaal, Karkaar, Bari, Sanaag iyo Haylaan.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Beeraleyda Puntland sida wanaagsan ee ay uga faa’iidaysteen khayraadka dalka isaga oo kula dar-daarmay inay sii xoojiyaan ka dowlad ahaana ay garab buuxa u yihiin Beeralayda dalka, sidoo kalena socdaan dedaalo dowladdu ugu raadinayso Beeralayda maalgashi balaadhan si ay ula jaan qaadaan Beeralayda gobolka.

Munaasabada waxa kasoo qayb galay Wasiirada Wasaaradaha Beeraha, Maaliyada, Caafimaadka, Qorshaynta, Deegaanka, Shaqada iyo Shaqaalaha, Warfaafinta, Wasiir Ku-xigeenada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Biyaha iyo Tamarta, Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada, Hay’addo Caalamiya iyo masuuliyiin kale.

About The Author