Khasaaraha barxadda dugsiga Tababarka Booliska ee Muqdisho oo la isku qarxiyey

17 Okt 2024 (Puntlandes.com) Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax uu fuliyey ruux naftii halige ah oo isku qarxiyey barxadda dugsiga Tababarka Booliska ee Gen.Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay goob Maqaayad ah oo ku dhax taalla xarunta gaar ahaan barxadda.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ku dhawaad dhawr qof ay ku geeriyoodeen qaraxa ismiidaaminta ah sidoo kalena ay dhaawacyo jiraan,waxaana goobtaas badanaa fariista ciidamada iyo saraakiisha.

Isbitaalada ayaa la sheegay in la geeyey dad kala duwan oo ku waxyeeloobay qaraxaas.

Dhanka kale Booliska Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyey qarax ismiidaaminta ahaa ayaa sheegay in 7 ruux oo isugu jira ciidan iyo Shacab ay ku geeriyoodeen qaraxa isla markaana ay ku dhaawacmeen 6 ruux.

Boolisku wuxuu ku sheegay qoraalka in qaraxu uu ka dhacay guryo isku raran ah oo ku yaalla kasoo horjeedka barxadda halkaas oo ay ku yaallaan geedo waaweyn oo la harsado.

About The Author