Wasaaradda Arimaha Guduha Puntland Xisbiyada Siyaasada fartay inay ku heshiiyaan dhismaha 3da degmo ee Nugaal 02/11/2024

22 Okt 2024 (Puntlandes.com) Wasaaradda Arimaha Guduha Puntland ayaa Xisbiyada Siyaasada Puntland qoraal ay u dirtay ku fartay inay ku heshiiyaan dhismaha 3da degmo ee gobolka Nugaal ugu dambayn 02/11/2024.

Wasaaradda Arimaha Guduha Puntland ayaa qoraalka ku tiri “maadaama Xubnaha Golaha Deegaanka la doortay ay xaq u liiyihiin in ay xasaanadda Xildhibaannimo qaataan, lana fariisiyo Golaha Deegaanka si ay ugu adeegaan bulshada, waxaa laga codsanayaa Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Dowladda Puntland in heshiiska Xisbiyadu ay Wasaaradda la soo wadaagayaan uu noqdo mid ay soo saxiixeen Madaxda Xisbiyadda Siyaasadda ee saxiixa rasmiga ah leh, ugu dambayn 02/11/2024.”

About The Author