Mowqifka DFS ee ku aaddan gobanimada iyo doorka Itoobiya ee Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika (AUSSOM)

23 Okt 2024 (Puntlandes.com) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in wixii hadda ka dambeeya ay hoggaamin doonto jihada howlgalka xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo si cad diiradda u saartay ilaalinta gobanimada Soomaaliya iyo ka mid ahaanshaha Ciidamada Itoobiya ee Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

“Inta aan isu diyaarinayno wejiga xiga ee nabad ilaalinta oo hoos imaanaya Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda, waxaa lama huraan ah in aan mar kale ku celinno in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan, awoodda go’aan ka gaarista dalalka ciidamada ku biirinaya howlgalknana iyadu leedahay.

Go’aanka ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalka waa inuu waafaqsanyahay danaha qaranka Soomaaliya iyo ilaalinta qaranimadeeda.

Tallaabooyinka halka dhinac ah ee Itoobiya dhawaan qaaday, kuna ku jiraan heshiisyo sharci darro ah oo lala galay gobollada waqooyi ee Soomaaliya, waxay ku xad-gudbayaan madax-bannaanideena waxayna meesha ka saarayaan kalsoonida lagama maarmaanka u ah nabad ilaalinta.

About The Author