Maamulka Xasan Sheekh oo ku astaayey Waqooyiga Mudug ee Puntland, gobalka Sool & Sanaag deegaano lagu muransan yahay

26 Okt 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Khariirad cusub oo ay daabacday, waxay deegaanada Waqooyiga gobalka Mudug ee Puntland, gobalka Sool iyo Sanaag ugu yeertay deegaano lagu muransan yahay, oo ay maamulo isku haystaan.

Map-ka oo ah kan shalay loo isticmaalay Markabka Turkiga ee uu maamulka Muqdisho ku sheegay inuu Shidaal ka baarayo maamulka Galmudug, ayaa muujinaya aragtida madaxweyne xasan Sheekh.

Xasan Sheekh oo doonaya inuu Shidaal ka baarto waqooyiga Mudug ee Puntland ayaa ku sheegay inuu yahay deegaan ay isku haystaan Puntland iyo Galmudug, halka deegaanada SSC-Khaatumo iyo gobolada Sanaag iyo Hayland ee Puntland na uu ku sheegay dhul ay isku hayaan Puntland iyo Somaliland.

Xasan Sheekh ayaa muddo xileedkiisii hore waxaa lagu xusuustaa inuu ka dambeeyey dagaalo lagu hoobtay oo dhex maray maamulkii uu markaas dhisay ee Galmudug oo uu taageerayey iyo Puntland, kadib markii uu sheegay in xuduudda maamulkaas cusub uu yahay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Labo dagaal oo khasaaro xun gaystay kadib waxaa lagu heshiiyey in koonfurta magaalada Gaalkacyo ka bilaabanayso xuduudda Galmudug, iminkana Xasan Sheekh waxa uu doonayaa inuu dagaal kale dhex dhigo dadkaas ood wadaaga ah isagoo ku kicinaya Shidaal baan idiinka soo saarayaa waxaadna qaadanaysaan Dekedda Garacad.

About The Author