Muuqaal: Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay in Puntland ku garab istaagayso Jubaland in ay Doorashadeeda u qabsato sida sharcigeedu dhigayo

26 Okt 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Puntland Siciid cabdulaahi Deni ayaa ku dhawaaqay in Puntland ku garab istaagayso Jubaland in ay Doorashadeeda u qabsato sida sharcigeedu dhigayo.

Madaxweynaha oo ka hadlayay furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka ee Garowe ayaa sheegay inay Puntland taageersan tahay oo ay garab iyo gaashaan u tahay Jubaland si ay u qabsato doorasho ay u madax banaan tahay, xaqna u leedahay.

“Waxa aan halkan ka caddaynayaa in aan garab iyo gaashaan u nahay Jubbaland in ay qabsato doorashadeeda xorna u tahay.”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

About The Author