Dowladda Puntland oo si kulul u cambaaraysay, nasiib darrana ku timaantay khariiradda cusub ee DFS

26 Okt 2024 (Puntlandes.com) Dowladda Puntland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay si kulul u cambaaraysay, nasiib darrana ku tilmaantay khariiradda cusub ee ay DFS muranka ku gelisay Gobollo iyo Degmooyin ka tirsan Puntland, taas oo meel ka dhac ku ah Dastuurka Dowladda Puntland, Hannaanka dib u heshiisiinta iyo Dowlad-dhiska Soomaaliya.

Puntland aya warsaxaafadeedka ku tiri “Arrintaan waxay kaloo horudhac u tahay khilaafaadka ka imaan kara sahaminta iyo soo saarista khayraadka Dalka ee aan heshiiska lagu ahayn ee sida shaqsiga iyo qarsoodiga ah loo siiyey shirkaddo iyo Waddamo aan Marin hannaanka sharciga ah.

Xuduudayntaan cusub waxay muujinaysaa in lagu carqaladeynayo Midnimada, Wadajirka, Xasiloonida iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Gobolada Puntland.”

About The Author