Wasaaradda Baatroolka DFS oo qalad-farsamo ku tilmaantay khariiradda muranka dhalisey

26 Okt 2024 (Puntlandes.com) Wasaaradda Baatroolka Soomaaliya ayaa qalad-farsamo ku tilmaantay khariiradda muranka dhalisey, iyadoo sheegtey in uu yahay qalad ay gashay shirkaddii qaabaynaysay bandhigga markabka Turkiga.

Su’aashu waxa ay tahay Wasaaraddu ma lahayn miyaa masuuliyiin iyo shaqaale hubiya waxa la soo bandhigayo?

Sidee sax ku noqon kartaa in munaasabad madaxdii ugu saraysay dawladdu ay imaanayso kuna sugan yihiin xubno ka socday saxaafadda caalamka in lagu isticmaalo laguna soo bandhigo map koox gaar ah samaysay 2025kii oo internetka laga soo qaatay?

About The Author