Hirshabelle “Dowladda Hirshabeelle waxay cambaareyneysaa qariiradii ama Map-kii 25kii Oktoobar 2024”

26 Okt 2024 (Puntlandes.com) Warsaxaafadeed ay soo saartay Dowladda Hirshabeelle ayey waxay si xoogan ugu cambaareyney qariiradii ama Map-kii 25-Oktoobar-2024, lagu soo bandhiggay munaasabadda lagu soo dhaweynaayey Markabkii sahmin lahaa shidaalka Badda Soomaaliya oo ay kasoo shaqeysay Wasaarrada Batroolka iyo Macdanta XJFS.

Warsaxaafadeed ayey Hirshabeelle ku tiri “Wasiirka Batroolka XJFS waxa uu horay u abaabulay kulamo iyo shirar lagu kala geynayo dadka wada degan deegaanada Dowladda Hirshabeelle shirarkaasi oo sababay qal-qal amni iyadoo dhibaato ay kasoo gaartay shacabka Dowladda Hirshabeelle mana ahan wax loo dulqaadan karo inuu masuul ka tirsan Xukuumadda Federal-ka Soomaaliya ee loogu talogalay inuu ugu adeego danaha Qaranka uu taas baddelkeedanna ka shaqeeyo kala qeybinta bulshada iyo abuurida xasilooni daro si uu u gaaro danahiisa gaarka ah.”

About The Author