Sawirro: Kulan Muqdisho uga furmay madaxda DFS & 3 dawlad goboleed!!

27 Okt 2024 (Puntlandes.com) Madaxtooyadd Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra´iisul wasaaraha iyo kuxigeenkiisa, madaxda Dowlad goboleedyada, Hirshabeelle, Galmudug iyo KGS, waxaa kulanka ku weheliyey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Madaale, iyadoo Albaabka laga xirtay Ra´iisul wasaare kuxigeenka 2aad.

Kulankan ayaa waxaa uu dhacayaa iyadoo Xasan Sheekh ku guuldaraystay inuu shirka ku soo celiyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, iyadoo horayna ay u maqnayd Puntland.

Lama garanayo waxay ka soo saari doonaan laakiin waxay Villa Somailia ku dhici wayday inay qortay madaxda dawlad goboleedyada kulanka jooga, iyadoo u qortay sidaan hoose

“Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir….”

Dhanka kale waxaan kulanka laga qaybgalin Ra´iisul wasaare kuxigeenkii dhawaan la magacaabay, kaas oo ka soo jeeda KG.

Hoos ka akhriso qoraalka Villa Somalia:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo maanta dib uga furmay Caasimadda Muqdisho.

Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagaga arrinsanayaa amniga, horumarinta dalka iyo dhameystirka hannaanka dimuquraadiyeynta.

About The Author