Inta badan Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka horyimid guddiga KMG ah ee ay magacaabeen guddoomiyaasha labada

10 Nov 2024 (Puntlandes.com) 10 xubnood oo ka mid ah 15ka Guddoomiye ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ayaa ka hor yimid guddiga kumeel-gaarka ah ee ay magacaabeen guddoomiyaasha labada Aqal Baarlamaanka Federaalka.

Waxay sheegeen in tallaabadani baalmarsan tahay Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka, taasoo horseedi karta qalalaase siyaasadeed.

Guddiga Kumeel gaarka ah ee 15-ka xubnood ayaa loo xilsaaray inay ka shaqeeyaan diyaarinta Xeerarka doorashooyinka, Ururada iyo Xisbiyada, xeerka doorashooyinka iyo sharciga dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha.

About The Author