Muuqaal: RW Xamse Axmed Madoobe wuxu doonayaa inuu isku caanoshuba & inuu rido xukuumadayda ma na aqbalayno
18 Nov 2024 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Hanaanka doorasho ee ka socdaa Jubaland uu yahay mid sharci darro ah oo aan la aqbali karin.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wuxuu ku eedeeyey madaxwewynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) in uu fulinayo dan aan aheyn tii Soomaaliyeed, oo uu ka baxay dhammaan heshiisyadii uu saxiixay, isagoo kusifeeyey is doorasho in aan la aqbali karin.
Ra´iisul wasaare Xamse ayaa sheegay in Axmed Madoobe aysan u furneyn dib u tartanka madaxtinimada Jubaland, oo uusan sharciyad haysan, xaqna u laheyn in uu doorasho maamulo, maadaama qodobka 70-aad ee dastuurka uu dhigayo in uusan 2 jeer ka badan xilka qaban karin.
“Axmed Madoobe mahaysto wax sharciyad ah iyo wax mandate oo uu ku maamulo doorashada Jubaland, waa sharci darro, waxa ka dhashana waxaa sharci darro, Hal xaaraan ah ma dhasho nirig xalaal ah” ayuu yiri RW Xamse.
Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu yeeray ciidamada Jubaland in aysan qeyb ka noqon arrimaha siyaasadda ee hadda taagan, wuxuuna uga digay dhinaca madaxweynaha Jubaland in uu ciidamada u adeegsado arrimaha siyaasadda.
“Walaalkay waxaan ugu baaqayaa in uusan ciidamada u adeegsan arrimaha siyaasadda, waana dambi aan lays kaga hari doonin haddii uu qaado, waxayna keeni doontaa in ay ciidanka JL burburaan” ayuu yiri Xamse.