DFS oo 130$ kun doollar udirtay Taliyaha Ciidanka Darawiishta Jubaland ee Degmada Afmadow, si uu………

18 Nov 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay u dirtay 130.000$ doollar Taliyaha Ciidanka Darawiishta Jubaland ee Degmada Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose G/Dhexe Mahad Maxamed Islaam Taliyaha.


Taliyaha ayaa qoraal ku sheegay in dawladda Federaalku ka codsatay inuu dagmada u ku wareejiyo ama u gacangeliyo, iyadoo dawladdu ugu abaalgudaysa dalacsiin iyo inuu ka mid noqdo Ciidanka Xoogga Dalka.

Sida uu qoraalka ku sheegay taliyuhu dawladda federaalka ayaa doonaysay inay Ciidamo dheeraad ah kasoo dejiso Garoonka diyaaradaha ee degmada Afmadow kadibna ay ku weerarto Kismayo oo ay iminka ka socoso soo xulista Xildhibaanada cusub oo soo dooranaya madaxweyne.

Hoos ka akhriso qoraalka Taliye Mahad:

Anigoo ah Gaashanle Dhexe Mahad Maxamed Islaam Taliyaha Ciidanka Darawiishta Jubaland ee Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Waxaan caawa la wadaagayaa dhammaan Ummada Soomaaliyeed iyo bulshada ree Jubaland arrin maalmahan taagnaynd oo ku saabsan xiriir joogto ahaa oo na dhex maray aniga iyo Wasaaradda Gaashaandhiga DFS oo ku saabsan sidii aan Dowladda Federaalka iyo Ciidamadeedda ugu wareejin lahaa Taliska Ciidamada Darawiishta Jubaland ee fadhigoodu yahay Degmada Afmadow iyadoo arintaas aan ku badalanayo balanqaad dhaqaale, dalacsiin iyo in aniga iyo Ciidamada Taliska Darawiishta Jubaland ee Degmada Afmadow aan kamid noqonayno Ciidamada Xooga dalka iyadoo waajibaadka nalaga rabo uu yahay in aan kasoo hor jeedsano Doorashada Jubaland ka socota isla markana ay noo iman doonan Ciidamo laga soo diri doono Magaalada Muqdisho oo nala soo dagi doona sidaasna Degmada Afmadow aan ugu gacan galino Dowlada Federaalka ah.

Sida ka muuqata warqadan hoose oo ay ku qoran tahay cadadka lacagta ay isoo direen oo ay doonayaan in lagu kala furfuro Ciidanka isla markana aan kaga dhaadhiciyo qorshaha Degmada lagu keenayo Ciidamada kasocda Dowladda Federaalka ah taas oo dhan 130 kun oo dollar.

Waxay sarakiisha ila soo xiriirtay ee ka tirsan wasaarada gaashandhiga ii sheegeen inay jiraan sarakiil badan oo ay xiriir la sameeyeen anigana aan kuwaas kamid ahay isla markana la iga doonayo in aan kasoo boxo shaqada la ii igmaday taas oo shaqsiyan ii cuntami wayday in aan masuul ka noqdo qalalaase abuuri doona burbur, barakac iyo in dagaalo lagu hoobto ay ka dhacaan deegaanka aan masuulka amni uga ahay Dowladda Jubaland.

Waxaan rabaa inaan cadeeyo in lacagtaas aan ku wareejiyay Wasaaradda Maaliyada Jubaland

Waad mahadsantihiin.

About The Author