Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda ee MD Xasan Sheekh

20  Nov 2024 (Puntlandes.com) Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan wadajir ah ayaa ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada kulanka soo xaadiray ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerkaan, waxaana sidii caadada u ahayd maamulka Xasan Sheekh ogolaatay 177 Xildhibaan, ma jirin Xildhibaan diiday ama aamusay.

About The Author