Akhriso Wasiiro katirsan DFS oo 2 warqadood oo iska soo horjeeda u diray Hay’adda WMO
20 Nov 2024 (Puntlandes.com) Wasiiro ka tirsan Dawladda Feradaalka Soomaaliya ayaa labo warqadood oo iska soo horjeeda u diray Hay’adda WMO, oo ka shaqaysa Saadasha Hawada, iyagoo labo qof oo kala duwan hal boos u kala magacaabay.
Wasiirka arrimaha dibada Axmed Macalin Fiqi ayaa booska Soomaaliya ee Saadasha Hawada u magacaabay, Maxamuud Macalin oo ah Mareeyaha Hay’adda Musiibooyinka ee DFS, sidoo kalena wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Khadiija Al-Makhzuumi ayaa iyana Dr Guled Cartan u magacowday isla booskaas.
Wasiir Fiqi ayaa waraaqda magacaabistiisu waxay ku taariikhaysan tahay 24kii okt 2024ka halka wasiir Khadiija na ay ku taariikhaysan tahay todobaad kadib 2da nov 2024ka, waxaana dawladnimada ku ah fadeexad in labada warqadood ay wasiiradda Soomaaliya u direen Xoghayaha Hay’adda.
Maamulka Xasan Sheekh ayaa waxaa caado u ah Boobka hantida ummadda, ku tagrifal awoodeed, Eex, Musuqmaasuq iyo Qaraabikiil.