Guddoonka Baarlamaanka saddexaad ee Jubaland oo la doortay
21 Nov 2024 (Puntlandes.com) Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa markii sadexaad ku guuleystay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Jubaland waxa uuna helay codad dhan 65 cod halka musharixii la tartamayay uu helay 7 cod waxaana xumaaday 3 cod oo kaliya.
Xildhibaan Hiirad Ismaaciil Maxamed ayaa isna ku guuleystay Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Jubaland, isagoo helay codad gaaraya 56 cod halka Xildhibaan Mahad Maxamed Axmed oo la tartamayay uu isna helay codad gaaraya 18 cod, mana jirin wax cod ah oo halaabay.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Baaley Xuseen ayaa ku guuleystay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dowlada Jubaland isaga oo helay codad dhan 51 cod halka musharixii la tartamayay Abdirashiid Ali Mohamud uu helay 22 cod. iyadoo 1 Mudane uu Fasax xanuun ah uga doraaashada Guddoomiye ku xigeenk 2-aad halka 1 Mudane oo katirsan Baarlamaanka uu xanuun ku seegay Doorashada.