Xil C/raxman C/shakur “…..jawaabtii ajnabiga waxay noqotay in uu dadkiisa la heshiiyo”
21 Nov 2024 (Puntlandes.com) Xildhidhaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu qoray waxa uu kaga hadlay madaxweyne Xasan Sheekh oo Safiiradda beesha Caalamka ee xalane ku dacweeyey Puntland, Jubaland iyo uu ku abaabulay Agaasimayaasha DFS iyo siyaasiyiinta isagoo ku tilmaamay qaswadayaal (Spoilers).
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inay jawqaabtii Beesja caalamku noqotay “Jawaabtii ajnabiga waxay noqotay in uu dadkiisa la heshiiyo”
Hoos ka akhriso qoraalka:
Madaxweynaha madal aan shalay wada joognay ayuu beesha caalamka kaga codsaday in ay ku taageeraan ajandihiisa doorashada, lagana qabto maamul goboleedyada ka soo horjeeda iyo siyaasiyiinta oo uu ku tilmaamay qaswadayaal (Spoilers).
Jawaabtii ajnabiga waxay noqotay in uu dadkiisa la heshiiyo, lana qabto doorasho heshiiskeeda loo dhanyahay, suuragal noqon karta, dammaanad qaadaysa amniga iyo xasilloonida qaranka, si tartiib tartiib ahna loogu guuro hiigsiga doorasho qof iyo cod ah.
Mid ka mid ajnabigii aan meesha ku arkay ayaa igu yiri; warbixinnada (cables) aan dowladaheenna u dirno magacyada iyo taariikhaha uunbaa iska beddelay ee dhacdooyinkii waa sidoodii ee maxaa idinka si ah Soomaaliyey?
Waxaan qirsanahay in ay wejigabax iyo foolxumo nagu wada tahay, laakiin uu Madaxweynaha noo soo jiiday.