Muuqaal: Golaha Wasiirada DFS oo Qaraar Garyaqaanka Guud lagu faray inuu Maxkamadeeyo madaxweyne Axmed Madoobe

25 Nov 2024 (Puntlandes.com) Golaha Wasiirada DFS oo kulan deg deg ah ka yeeshay doorashada dib loogu doortay madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo saaray Qaraar ay Garyaqaanka Guud lku fareen inuu Maxkamadeeyo madaxweynaha.

Golaha ayaa qodobeeyey qaraarkooda:

Qodobka 1aad: Sharciyad la’aanta xubnaha xulan (Baarlamaanka) iyo hogaamiyihii hore ee Jubaland (madaxweynaha maanta uu Baarlamaanku doortay)

 1. Golaha Wasiirada ee XFS waxay go’aamiyeen in xubnaha xulan ee golaha wakiilada Jubaland iyo is-doorashada hogaamiyihii hore ee Jubaland ay labadaba yihiin kuwa sharci darro ah.

 2. a. Golaha Wasiirada waxay go’aamiyeen in dhammaan tallaabooyinka hoos ku xusan oo loo maray doorashada sharci darrada ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland aysan waafaqsaneyn sharciga 24 ee soo baxay 31 Maarso 2024:

 • B. Magacaabista guddiga sharci darrada ah ee doorashooyinka ee uu soo xushay hogaamiyihii hore ee Jubaland.

 • T. Hannaanka lagu soo xulay xubnaha golaha wakiilada, isaga oo isticmaalaya guddi doorasho oo sharci darro ah.

 • J. Is-doorashada guddoon baalmarsan sharciga oo uu soo xushay hogaamiyihii hore ee Jubaland.

 • X. Is-doorashada hogaamiyihii hore ee Jubaland.

 3. Golaha wuxuu farayaa Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in si degdeg ah uga howlgalo horgeynta Maxkamadda Sare ee Dalka dacwad lid ku ah dhammaan tallaabooyinka aan waafaqsanayn xeerarka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, xeerka Ururada iyo Xisbiyada siyaasadda ee uu ku kacay hogaamiyihii hore ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

About The Author