WQ Dr Ali Ise Abdi “Siyasadda Marin-Habaabinta: Ujeeddooyinka Qarsoon ee Colaadda u Dhaxaysa Puntland, Jubaland, iyo Khaatumo iyo Madaxweynaha Soomaaliya”

Dr Ali Ise Abdi oo ah Aqaoonyahan iyo siyaasi ayaa qoray maqaal uu uga hadlay khilaafka uu abuuray madaxweynaha DFS Xasan Sheekh inuu yahay mid uu ku qarinayo hashiisyada Shidaal soo saarista ee uu galay.

Hoos ka akhriso qoraalka Dr Ali:

“Wag the Dog”

Siyasadda Marin-Habaabinta: Ujeeddooyinka Qarsoon ee Colaadda u Dhaxaysa Puntland, Jubaland, iyo Khaatumo iyo Madaxweynaha Soomaaliya

Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed waxay inta badan adeegsadaan xeelado ay ku marin habaabiyaan shacabkooda si ay u ilaashadaan awoodda iyo danahooda gaarka ah. Soomaaliya, xiisadaha ka dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo maamul goboleedyada Puntland, Khaatumo, iyo Jubaland waxay keeneen in su’aalo badan la iska weydiiyo ujeeddooyinka ka dambeeya tallaabooyinka dowladda federaalka.

Colaadda iyo Sahminta Khayraadka Dabiiciga ah

Xiisadaha ka dhex aloosan dowladda federaalka iyo mamuulada Puntland, Khaatumo, iyo Jubaland waxay walaac xooggan ku abuureen bulshada Soomaaliyeed. Inkasta oo sababaha dhabta ah ee colaaddan aan weli la shaacin, haddana waxay la jaanqaadayaan wada-xaajoodyada Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku saabsan sahminta saliidda iyo khayraadka dabiiciga ah, gaar ahaan heshiisyada lala galay Turkiga iyo dowlado kale.

Arrimahan waxay abuureen tuhun ku saabsan in colaadda u dhexaysa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada loo adeegsanayo xeelad lagu leexinayo dareenka bulshada iyo madaxda gobollada si ay uga mashquulaan heshiisyada muhiimka ah ee lagu samaynayo mustaqbalka kheyraadka dalka.

Halista Isku Urursiga Khayraadka Dabiiciga ah

Marka Soomaaliya ay sahaminayso saliiddeeda iyo khayraadkeeda dabiiciga ah, waxaa lagama maarmaan ah in la hubiyo in faa’iidooyinka laga helo loo qaybiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Waa in laga fogaado nidaamyo hal dhinac awoodda siinaya, taasoo khatar ku noqon karta midnimada iyo federaalka dalka.

Khibradaha laga bartay waddamada ay hantida saliidda ku uruursan tahay gacmo kooban ayaa tusaale fiican u ah sida nidaamyadaas u horseedaan cadaalad darro iyo kala qaybsanaan. Waa halis haddii Soomaaliya ay noqoto dal uu hal qabiil yeesho kheyraadka, maadaama taasi ay si fudud u abuuri karto awood dhaqaale oo aan lala qaybsan karin. Hal dhinac oo gacanta ku dhiga faa’iidooyinka shidaalka wuxuu awooddaas u adeegsan karaa cabburinta maamul goboleedyada iyo shacabka kale.

Talooyinka La gudboon Maamul Goboleedyada

Maamul goboleedyadan waa inay si adag uga hor yimaadaan qorshe kasta oo shidaalka lagu sahminayo iyadoo aan loo qaybin si cadaalad ah oo dan u ah dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Waa lagama maarmaan in sahminta iyo soo saarista shidaalka ay si isku mid ah uga bilaabato dhammaan gobollada dalka oo dhan, si faa’iidooyinka laga helayo ay u gaaraan dhammaan shacabka Soomaaliyeed waqti isku mid ah.

Waa in la iska ilaaliyaa qorshe kasta oo ujeedkiisu yahay in hal gobol ama hal qabiil uu noqdo kan ugu horreeya ee ka faa’iidaysta soo saarista kheyraadka dabiiciga ah, maadaama ay tani si fudud u horseedi karto in hal dhinac uu yeesho awood dhaqaale oo aan xad lahayn.

Waxaa lagama maarmaan ah in maamul goboleedyada ay ku cadaadiyaan dowladda federaalka:

1- In dhammaan heshiisyada shidaalka lagu saleeyo nidaam wadaag ah oo cad oo hubinaya faa’iido wada jir ah.

2- In dhammaan sahminta iyo soo saarista ay ka dhacdo dowlad goboleedyada oo dhan waqti isku mid ah. Si aan hantida ama dhaqalaha loogu kala horayn.

3- In baarlamaanka Soomaaliya si buuxda loogu soo bandhigo heshiisyada shidaalka si loo hubiyo hufnaanta iyo danaha qaran.

Baahida Wadajir iyo Wadaag Cadaalad Ku Salaysan

Maamul goboleedyada Puntland, Khaatumo, iyo Jubaland waa inay fahmaan in tani tahay dagaal istiraatiiji ah oo saameyn weyn ku leh aayaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya. Waxaa lagama maarmaan ah in wadajir iyo mowqif adag lagu adkeeyo in faa’iidooyinka laga helo sahminta iyo soo saarista shidaalka ay noqdaan kuwo loo siman yahay.

Waxaa waajib ku ah shacabka iyo madaxda gobollada inay indhahooda furaan oo aysan u oggolaanin in loo adeegsado marin-habaabinta siyaasadeed si looga leexiyo arrimaha muhiimka ah ee khuseeya jiritaanka iyo horumarka qaranka.

Gunaanad

Heshiisyada shidaalka waa inay noqdaan kuwo caddaalad ah oo dan u ah dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Maamul goboleedyada waa inay muujiyaan feejignaan, wadajir, iyo mowqif adag si loo hubiyo in Soomaaliya aysan ku noqon waddo ay hal dhinac ka faa’iido, halka kuwa kale ay ka mid noqdaan kuwa laga tagay. Waxaa waajib ah in si wadajir ah looga hortago in khayraadka qaranku uu u gacan galo hal dhinac, iyadoo la hubinayo in faa’iidooyinka laga helo ay noqdaan kuwo loo siman yahay si loo xaqiijiyo horumarka iyo jiritaanka Soomaaliya midnimo ku dhisan.

About The Author