Dalladda bulshada rayidka oo ku baaqay in wadahadal lagu xaliyo xiisadda ka taagan Jubaland
26 Nov 2024 (Puntlandes.com) Dalladda bulshada Rayidka oo baaq kasoo saaray xiisadda ka taagan Jubaland ayaa ku baaqay in wada hadal lagu xaliyo xiisadda oo ay dawladda federaalku joojiyo inay Ciidan u adeegsato.
Dalladda bulshada Rayidka ayaa qoraalku ku yiri “Dalladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxa ay ka walwaleysaa xaaladaha ka taagan degaannada Jubbaland kuwaas oo ka dhashey khilaafkii siyaasadeed ee dhex marey madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland.
Bulshada Rayidka waxa ay marar badan ka digeen in khilaafka siyaasadeed ee ka dhashey aragtiyada kala duwan ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu sababi karo xaalad colaadeed oo saameyn ku yeelan karto nolosha shacabka Soomaliyeed.”