RW Xamse oo arinta Jubaland ugu socdaalay Kenya
28 Nov 2024 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa u socdaalay dalka Kenya, isagoo kala hadlaya Jubaland.
Masuuliyiinta dawladda Federaalka ayaa u muuqda in ay ka go’an tahay in ay Jubaland isbedel ka hirgaliyaan, iyagoo Kenya taageero uga raba.
Ra’iisulwasaaraha ayaa doonaya in Axmed Madoobe lagu cadaadiyo, in uu wareejiyo hoggaanka Jubbaland oo la dhaafiyo deegaanka.