Jubaland oo Iclaamisay shir Dawladnimada Soomaaliya loo badbaadiyo
28 Nov 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Jubaland ayaa Iclaamisay shir ay Soomaali iskugu timaado, si Dawladnimada Soomaaliya loo badbaadiyo, kaas oo ay ugu baaqday dhammaan saamileyda siyaasadda dalka in ay ka soo qeyb galaan sidii looga tashan lahaa aayaha dowlad-dhiska iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.
Go’aan ka soo baxay Golaha Wasiirada Jubaland ayaa si rasmi ah loogu shaacisay in Jubbaland ay joojisay xiriirkii iyo wada shaqayntii kala dhaxaysay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku eedaysay inay ku tumatay dastuurka dalka.
Jubaland waxay sheegtay in tallaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka oo ay ka mid yihiin wax ka beddelka Dastuurka iyo Xeerarka Doorashooyinka ay yihiin kuwo sharci darro ah oo khatar ku ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxaa kaloo Golaha Wasiirada Jubaland ku tilmaamay go’aannada Xukuumadda Federaalka inay yihiin afgambi ka dhan ah nidaamka dastuuriga ah, taasoo halis gelinaysa dowladnimada iyo wadajirka umadda.
Jubaland ayaa ku eedeysay DFS in ay dawladnimadii dalka laashay, Garsoorkiina u bedeshay Maxkamadii Badbaada ee Kacaankii, sidaas awgeedna aysan waafaqsanayn, aqbalsanayn, go’aan kasta oo kasoo baxa Dawladda Federaalka.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayey Jubaland ku eedeeysay eex, Khiyaano Qaran, Argagixisadii oo uu diiday la dagaalankeeda, ciidamada oo siyaasad loo adeegsaday.