Guddiga doorashada Madaxtooyada Soomaaliya oo gudoomiye Hab gacantaag ah ugu codeyey mid kamid ah kooxda MD Xasan Sheekh
02 Dec 2024 (Puntlandes.com) Guddiga doorashada ee dhawaan ay dhistay Madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo aan heshiis lagu ahayn ayaa gudoomiyaha guddigan Hab gacantaag ah ugu codeyey in uu noqdo Cabdikariim Xassan, oo kamid ah kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh, horeyna loo saadaalinayey in jagadaan loo xiray.
Cabdikariim ayaa ka mid ahaa kooxdii Ololaha ee Madaxweyne Xassan Sheekh 2022kii, waxaana uu kooxda madaxweynaha ka mid ahaa muddo dheer waana nin aad ugu dhow.