AUN Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo dalka Turkiga ku geeryooday
02 Dec 2024 (Puntlandes.com) Allaha u naxariistee waxaa dalka Turkiga ku geeryooday Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo horey u soo noqday Madaxweyne kuxigeenka Puntland.
Gaagaab ayaa qayb xoogan ku lahaa dawlad dhiska Soomaaliya ilaa 2004tii isagoo ka mid ahaa Aqoonyahankii qoray Axdi Qarameedka Soomaaliya, wuxuu kaloo ka mid ahaa aasaasayashii Puntland 1998dii.
Allaha u naxariistee Gaagaab ayaa ahaa xildhibaan ka tirsan aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, isagoo ku metalayey dawladda Puntland.
Puntlandes.com