Sh. Shariif, Khayre & C C/shakur “MD Xasan wuxuu talada dalka lawareegay iyadoo uu dalku leeyahay dastuur la isku raacsan yahay, xeerka doorasho iyo xisbiyada, iyo guddi doorasho”

04 Dec 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, Ra´iisul wasaare hore Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan C/raxmaan C/shakur warsame oo qoraal ay xaalada dalka uga hadlayaan soo saaray ayaa ku eedeeyey madaxweyne Xasan Sheekh inuu dastuurkii dalka si iskiis ah u bedelay, xeerka doorasho iyo xisbiyada, iyo guddi doorasho uu leeyahayna samaystay.

“Madaxweyne Xasan wuxuu talada dalka la wareegay iyadoo uu dalku leeyahay dastuur la isku raacsan yahay, xeerka doorasho iyo xisbiyada, iyo guddi doorasho. Wuxuu beddelay dastuurkii dalka, wuxuu samaystay xeerar doorasho iyo kuwo xisbi, wuxuu magacawday guddi doorasho oo dhammaantood lagu jaangooyay rabitaankiisa shakhsiga ah.” Sheekh Shariif, Khayre & C/racmaan C/shakur

About The Author