Dowladda Ingiriiska oo cambaareysay shaqaaqadii ka dhacday Raas-kambooni

12 Dec 2024 (Puntlandes.com) Dowladda Ingiriiska ayaa cambaareysay shaqaaqadii ka dhacday Raas-kambooni iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay, iyadoo muujisay siday uga xuntahay saamaynta ay ku yeelatay dadka rayidka ah iyo xannibaadda isgaarsiinta.

UK Waxay muujisay welwelka ay ka qabto Waxyaabaha wax u dhimaya xasiloonida Jubbaland iyo amniga Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dhinacyada inay dib u bilaabaan wadahadal wax ku ool ah si loo gaaro dib-u-heshiisiin.

About The Author