Ciidan ka mid ah Ciidankii DFS gaysay Raaskambooni oo in ka badan 700 Askari Kenya laga soo duulin doonaa halka kuwwo kalena….
13 Dec 2024 (Puntlandes.com) Ciidan ka mid ah Ciidankii dawladda Federaalka ay gaysay Raaskambooni oo Jubaland ka saartay halkaas ayaa in ka badan 700 Askari oo katirsanaa ciidamadaas oo ka gudbay xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa laga soo duulin doonaa garoon diyaaradeed oo ku yaala gudaha Kenya, iyadoo lageynayo Muqdisho.
Labo diyaaradood ayaa iayana ka duulay garoonka Kismayo kuwaas oo Raaskambooni kasoo qaadaya Askar ku dhow 200 waxaana iyagana la gaynayaa magaalada Muqdisho, kuwaas oo ahaa ciidankii isku dhiibay Jubaland.
Madaxweyne Xassan Sheekh oo Wakiilada Beesha caalamka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ka diiday inuu celiyo ciidankaas ayaa ugu dambeyntii iyadoo wiilal Soomaaliyeed is dileen, Ceeb Qarana dhacday ayuu kala hadlay dalalka deriska ah celinta ciidankaan.