Sawirro: Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo Adis Ababa kula kulmay Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya

13 Dec 2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee dowladda Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Adis Ababa ee dalka itoobiya ayaa kulan la qaatay Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Gen Birhanu Jula.

Kulanka ayaana looga hadlay xaaladda Amniga, sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka kooxaha Khawaarijta ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Dowladda Jubaland iyo isu socodka bulshada Ku nool xuduudaha iyo nabad kuwada noolaanshaha bulshada labada Dal.

Kulankaan waxaa Madaxweyne ku xigeenka koowaad ku wehliyay Wasiirka Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlad Jubaland, Mudane Axmed Baraaki (Zubeyr) iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Jubaland Mudane Mascuud Cabdulaahi Axmed.

About The Author