Muuqaal-Sawirro: Golaha Wasiirrada Somaliland oo fadhigii uhoreeyey yeeshay & MD Cirro colaada Ceerigaabo ku baaqay nabadgelyo

15 Dec 2024 (Puntlandes.com) Fadhigii koowaad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 15/12/2024 Madaxtooyada Somaliland, iyadoo ay ka soo qaybgaleen dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada oo isugu jira (Wasiirro, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir ku xigeenno).

Isbarasho ka dib, Madaxweynuhu waxa uu golihiisa wasiirrada cusub la wadaagay waajibaadka loo igmaday inay ku shaqeeyaan, waxaanu la wadaagay Barnaamijka hagaha u ah wax-qabadka xukuumadiisa, sida ku cad qorshaha Buuggga Xisbiga oo ka kooban lix Cutub (6), taas oo ay saldhig u yihiin wada-jir iyo waxqabad muuqda.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dul istaagay arrimaha mudnaanta u leh xukuumadiisa 100 cisho ee soo socda. Madaxweynuhu waxa uu golihiisa Xasuusiyey in uu Qaranku inooga fadhiyo in aynu ugu shaqayno daacadnimo iyo hufnaan.

Dhinaca kale Golaha Wasiirrada waxa loo qaybiyey Wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukuumadda xeer No.71/2015 oo ujeedada looga bedelay qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan si loo waafajiyo xeerka.

Madaxweynuhu wuxuu si guud uga hadlay arrimaha nabadgelyada qaybo ka mida Gobolka Sanaag, waxaanu madaxweynuhu marlabaad ku celiyey baaq nabadgelyo.

About The Author