Madaxweyne Cirro oo magacaabay Taliyaha Ciidamada & Taliyaha Booliska Somaliland

23 Jan 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Somalilad Cabdiraxmaan Cirro ayaa Taliyaha Ciidamada Somaliland u magacaabay Sareeye Guuto Nimcaan Gaaxnuug, iyadoo uu taliyihii hore ee Ciidanka Sareeye Gaas Nuux Taani u magacaabay lataliyihiisa arimaha Ciidamada.

Taliyaha cusub Guuto Nimcaan Gaaxnuug ayaa hayb ahaan kasoo jeeda Beesha Arab/Isaaq

Sidoo kale Taliyaha madaxweyne Cirro taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland u magacaabay Sareeye Guute Cabdiraxmaan Cabdulaahi xasan (Cabdi Dheere), iyadoo uu taliyihii hore ee Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi  u magacaabay lataliyihiisa arimaha Booliska.

Taliyaha cusub ee Booliska Sareeye Guute Cabdi Dheere ayaa hayb ahaan kasoo jeeda Beesha HabarAwal/Isaaq

About The Author