Dhagayso: Puntland oo xaqiijisey in duqayn xalay laga fuliyey miyiga degmada Qandala ay kudhinteen dad shacab ah

28 Jan 2025 (Puntlandes.com) Puntland ayaa xaqiijisey in duqayn xalay laga fuliyey miyiga degmada Qandala ay haleeshay dad shacab ah, isla markaasna ay ku dhinteen 4 qof oo isku qoys ah ayna ku dhaawacmeen lix kale, sida uu VOA u sheegey gudoomiyaha degmada Qandala ee gobolka Bari, Axmed Khuurshe.

Gudoomiyaha ayaa reer-guuraaga ugu baaqay in ay ka guuraan deegaannada ay ku dirirayaan ciidanka difaaca Puntland iyo kooxda IS.

Duqu ma bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan cidda fulisey duqeynta, hase yeeshee dagaalka Ciidanka Difaaca Puntland iyo kooxda IS ee ka socda buuraleyda Bari ee Calmiskaad ayaa waxa qaybka ah duqeymo diyaaradeed oo ay fuliyaan dalalka Soomaaliya ka taageera la-dagaallanka AS iyo IS.

About The Author